se-1

Apple Watch SE ( 2nd Generation ): Ka ogow wax walba oo Ada ugh bahnayd.

Apple ayaa ugu dambayntii daaha ka qaaday saacadda aadka loo sugayey ee Apple Watch SE (Jiilka 2aad) ee bandhigi 7dii bishan . Halkan waxaa ah wax walba oo aad u baahan tahay inaad ogaato.

Apple ayaa ku soo bandhigtay Apple Watch SE (2nd Generation) cusub xaflada 7dii Sebtember . Smartwatch-ka cusub oo ah midda u gu raqiisan sacadihii lasoo bandhigay wuxay u eg tahay tii ka horreeyay, wuxayna leedahay cabbirka heerkulka, la socodka jirdhiska oo la hagaajiyay, waxayna ku shaqeeysa chip-kii ugu dambeeyay uguna awoodda badan Apple S8.

Munaasabadda Apple, shirkaddu waxay sidoo kale soo bandhigtay nooca cusub ee iPhone 14, iPhone 14 Plus, iPhone 14 Pro, iyo iPhone 14 Pro Max. Shirkaddu waxay sidoo kale soo bandhigtay Apple Watch Series 8 oo la cusboonaysiiyay, Apple Watch Ultra, iyo AirPods Pro 2 ee Craig la’aanta ah.

Qiimaha

Saacadda cusub ee Apple Watch SE waxa ay diyaar ahaan doontaa dalabaadka horudhaca ah laga bilaabo Sebtember 7, waxana ay diyaar noqon doontaa Jimcaha, Sebtember 16. Nashqada cusub ee Apple Watch SE 40mm GPS waxa lagu heli doonaa $249, halka Apple Watch SE 40mm + Cellular ku noqon doonto $299. Qaabka GPS-ka ee 44mm wuxay ka kici doontaa $279, halka Apple Watch SE 44mm + Cellular ku noqon doonto $329.

ModelSize & VariantPrice
Apple Watch SE40mm GPS
40mm GPS + Cellular
44mm GPS
44mm GPS + Cellular
$249, £259, €299
$299, £319, €369
$279, £299, €339
$329, £349, €409

Midabka

Apple Watch SE ga (jiilka 2aad) ee cusub ayaa lagu heli doonaa saddex midab, Starlight, Madow iyo Silver. Apple waxay iibin doontaa xarkaha isku midka ah ee laga sameeyay naylon, iyo kooxo kale oo kala duwan oo ka socda shuraakada sida Nike. Waxa kale oo jiri doona xul badan oo agab iyo nashqado ah oo laga kala dooranayo, kooxaha hadda jira waxa ay sidoo kale la socon doonaan Apple Watch SE 2.

Technical Specifications

SpecificationApple Watch SE (2nd Generation)
DisplayLTPO OLED
Up to 1,000 nits brightness
– 40mm: 1.57-inch
– 44mm: 1.78-inch
ProcessorApple S8
Memory & StorageMemory: TBD GB
Storage: TBD GB
Dimension and WeightAluminium40mm: TBD g
44mm: TBD g
BatteryUp to 18 hours
SensorCompass, Altimeter, optical heart sensor, Accelerometer, Gyroscope, Ambient light sensor, always-on altimeter, Barometer, Sp02, VO2Max, Temperature sensor,
ButtonsDigital Crown
Power button
ConnectivityWi-Fi 802.11b/g/n
Bluetooth 5.2
GPS/GNSS, GLONASS, Galileo, QZSS, Beidou
Optional LTE
DurabilityWR50: Water-resistant up to 50 meters
PriceStarts at $249
apple

Display

Apple Watch SE (Jiilka 2aad) waxay ku timaadaa laba shashad, 40mm, iyo 44mm. Dabcan, labada shashad ee kala duwan waxay lee yihiin laba cabir oo kala duwan. Midka yar wuxuu la yimaadaa 1.57 inch LTPO OLED panel, halka midda isboortiga leedahay shashad 1.78-inji ah. Ugu yaran waxay ka yartahay 20% Marka la barbar dhigo Taxanaha 8 ee smartwatch cusub.

Pannel ku waxay leedahay ilaa 1,000 nits oo iftiin ah ah, oo bixinaysa muuqaal iftiin qorraxeed oo aad u fiican, sidoo kale waxay leedahay muraayad ilaalin ah oo raagaya si looga hortago xoqista, in kasta oo, Apple aysan ku qalabayn murayada ka hortaga jabida “Crack resistant”. 

Battery

Iyadoo Apple aysan la wadaagin cabbirrada batteriga, waxaan fileynaa in Apple Watch SE (2nd Generation) ay lahaandonto awood la mid ah tii ka horreeysay. Jiilkii ugu horeeyay ee Apple Watch SE waxa ay awooday in ay ku dhawaad maalin dhan ku jiro halki mar ee la dabeeyo, Jiilka 2aad waxa ay sidoo kale awood u yeelan doontaa in ay dabka hayso ilaa 18 saacadood halki mar ee la dabeeyo.

iPhone-14-vs-iPhone-13-1

Iphone 14 pro series vs Iphone 13 pro series : Maxat Ku Kala Duwanyihin .

IPhone 14 Pro wuxuu leeyahy qadar badan oo isbedel ah. Akhri bogaan si aad u ogaato waxa isbedelay ilaa 2021,

Sebtember 7 2022, Apple waxay soo bandhigtay iPhone 14 Pro iyo iPhone 14 Pro Max oo leh astaamo badan sida Dynamic Island, Isku xidhka Satellite, iyo kamarad cusub oo 48MP ah. Qalabku waxa uu leeyahay dhowr casriyeyn oo xusid mudan, taasoo la macno ah in ay jiraan wax badan oo isbedel ah. Si loogu daro xoogaa aragti ah, maqaalkan, waxaan ku so bandhigaynaa taxanaha iPhone 14 Pro iyo taxanaha iPhone 13 Pro si aan u aragno waxa cusub oo ka duwan.

iphone-pixel-0

Iphone 14 vs google pixel 6 : Kee baad labada iibsan lahayd ?

Maqaalkan, waxaan uga hadlaynaa labada Mobile ee aadka loo jecelyahay Iphone iyo Pixel Midkee ku baboon inna iibsato oo uu jeebkaaga galo .

Apple waxay soo bandhigtay iPhone 14 horaantii todobaadkan. Qiimahiisu yahay $799, taleefankan casriga ee heerkiisu sareeyo apple waxay ku soo dartay waxyaalo badan, oo ay ku jiraan kamaradaha cusub ee 12MP, chipset ka wanaagsan marka loo eego iPhone 13, iyo wax badan oo kale. Dhanka kale, Google Pixel 6 wuxuu ku kacayaa $ 599 oo keliya oo waxay tartan adag kula jirtaa iPhone nada cusub ee iPhone 14.

In kasta oo Google uu soo bandhigi doono jiilka soo socda ee taxanaha Pixel – Pixel 7 iyo Pixel 7 Pro – bisha soo socota, haddana waxaan aaminsanahay inay mudan tahay in labadan shirkadood ee waaweyn ee Mareykanka ay is barbar dhigaanno waxyalaha ay ku kala wanagsanyihiin. Anagoon hadal dheeraynayn, aynu eegno iPhone 14 iyo Pixel 6 oo aynu aragno talefanka casriga ah ee u qalma inat iibsato.

IPHONE 14 VS PIXEL6

iphone-0

Iphone 14: Ogow wax walba oo ku sabsan iphonenada cusub

Maanta waa maalinki bandhiga Apple, taas oo macnaheedu yahay in apple soo bandhigto qalab cusub . IPhoneno cusub! Saacadaha Apple oo cusub! AirPods cusub! Hadii aadan haysan waqti aad ku dawaro , Ha dhididin – waxaanu kuu soo koobnay sandhog ka kobben 01:35 qaybihiisii ugu muhiimsanaa ee halkan ka aqriso.

New iPhones

Apple talefanada ay soo saartay, ma ahan hal, ama laba, ama Sadex, ee waxa ay soo satay afar iPhones cusub: iPhone 14, iPhone 14 Plus, iPhone 14 Pro, iyo iPhone 14 Pro Max.

IPhone 14 wuxuu lahaan doonaa shaashad 6.1 ah, halka iPhone 14 Plus uu lahaan doono 6.7″. Labaduba waxay ku shaqayn doonaan A15 Bionic chip oo markii ugu horreysay lagu arkay iPhone 13 Pro ee sannadkii hore. kamarad gadaale ama Main camera ayat noqon donta 12MP ah oo leh dareeme weyn oo dhabarka ku yaal, halka kamarad hore ay noqonayso 12MP ayna helayso auto-focus system , selfie ga ayaa ka wanagsan/dhaqsiyo badan sida hore

IPhone 14 wuxuu ku bilaaban doonaa $799, halka iPhone 14 Plus uu ka bilaabanayo $899. Dalabka hore waxa uu bilaabmayaa Sebtembar 9-keeda; IPhone 14 waxa la deliver garayn doonaa laga bilaabo Sebtember 16-keeda, halka IPhone 14 Plus la deliver garayn doono laga bilaabo 7-da Oktoobar.

Waxaa xusid mudan, labada noocba malahaan doonaan SIM-ka ee gudaha Mareykanka – waxay noqon doonaan eSIM oo keliya, iyagoo ka hortagaya in kaarkaaga SIM-ka lagu dhejiyo taleefan kale haddii uu lumo ama la xado.

Sida Modelada hore oo kale , iPhone Pro iyo iPhone Pro Max waxay shaashadohooda noqon doonaan 6.1, iyo 6.7, siday u kala horreeyaan. Haddaba maxay ku kala duwanyihiin?

  • Labada nooc ee Pro waxay ku shaqeyn doonaan chip cusub, oo lagu magacaabay A16 Bionic halka 14 iyodürden 14 plus ay ku shaqayn donan A15 Bionic sida aan hora ku sheegnay.
  • Apple waxa ay kaamirada hore ka fogaysay cidhifka iyo soo bandhigida nakhshad ay ugu yeedhayso “jasiiradda firfircoon ( dynamic island ) “, taas oo loogu talagalay in loo gooyo kamarad si qaabaysan oo si qurxoon ula fal galaysa Software ka.
  • 2000 nit outdoor brightness
  • Camerada dambe ee talefanku waxa uu leeyahay 3 lenses: 48 megapixel main camera , 12MP lens telephoto, iyo 12MP ultra wide lens oo Apple ay sheegtay in uu ka awood badanyahay sidii hore.

IPhone 14 Pro wuxuu ku bilaaban doonaa $999, halka iPhone 14 Pro Max uu ku bilaaban doono $1099. Labaduba waxa kor la dalabanyaa Sebtembar 9-keeda waxayna bilaabaan doontaa dhoofinta Sebtember 16-keeda.

youtube

Youtube : Youtube yada ugu wanaagsan ee aad ka baran karto Graphic design ka

Graphic design ku waqtiyadan danbe waxa uu ku jiraa shaqooyinka laga sameyo lacagaha ugu badan , waa shaqo aad ugu shaqaysan karto freelancer ahaan sidoo kaleetona aad ugu shaqayn karto shirkad walba , nood walba oo ganacsi waxa ay u bahanyihiin graphic designer , waa shaqo geli karta nooc walba oo ganacsi , hadaba Sadexdan youtube channel taxa ay kaa cawinayaan inaa si wangsan u barato graphic designka .

satori graphics

Youtube kan laxa Aad kabaran kartaa qaabka loo sameyo sawirada xayeysiiska iyo flayerska brochure

pixel perfect

Youtube channelkan waxaa kabaran kartaa sida surda loo hagaayo khaasatan lighting iyo clour grading ka , 

Yes I’m a designer

youtube channel Kan xoog ayuu muhiim kuugu yahay waxa uu xoog kuu baraya indesign iyodürden illustrator

tiktok-m

Tiktok : Lacag Ka Samay Tiktok

Haa tiktok shan qaybood ayaaad lacag uga samaynkartaa , shan tan qayb oo aan kula wadaagayo 3 Saab oo ka mida ayas lacan uga saman kartal hadaa jogto soomaaliya.

LIVE – Live ka waa qaabka ugu caansan ee tiktok lacag loga sameeyo , waxa gifts kuu so diraya taagerayashaada waxa ayna ku xirantahy lacagta Aad helayso inta tager ee ku so dirty gifts

2. Creator Fund – Tiktok Creator Fund ka waxa Aad lacag uga samynaysaa views ka muqalada aad soo geliso Tiktok qaabkan waxa uu kala mid yahay youtubeka, mar walba oo muqaaladaada views kooda bato waa marwalba oo aad lacag badan hesho .

3. Creator Marketplace – Tiktok Creator Marketplace ka waxaa xaysiis kusiinaya tiktok kadibna waxa aad kuso gudbinaysaa muqaladaada ama waxa Aad ku xayeysiinaysaa muqaaladaada , tusaale tiktok ayaa ku dhiibtay inaad xayeysiiso application ama shirkad waxa Aad uga hadlasaa qayb muqalkaaga ka mid ah , waxaana helaysaa bishi lacag u dhiganta dada booqda xayeysiika ama linkiga aad soo dhigto.

4. Subscribers – midkaan waxa uu la midyahay twitch ama youtubeka waxa anda lacag uga Samayn kartaa in tagerayaashaada rukuntaan tiktok live kaaga , waxayna bixinayaan laga u dhaxaysa $ 4.99 – $ 5.99 waxa ayna helayaan muhiimad gaar ah marka ay dawanayaan tiktok live kaaga waxa ayna ka dhex muqanayan dadka kale marka ay ku so biraan tiktok live kaaga ama ay comment ka baxshaan. qaabkan lacag waad uga Samyn kartaa hadii Aad joogto soomaaliya

5. Midka ugu danbeya waxa ay ku xirantahy followerskaaga tiktok ga qaabkan waxa ay kala midtahay platforms ka kale , waxa Aad xayeysinaysaa shirkadaha waxa aadna uso badndhigaysaa awoodda uu accountkaaga u leyahay inuu macaamiil badan u keni karo , marka haddi shirkadaha Aad dalbato ku aqbalan waxa aad awood u leedahy inaa lacag ka samyso .

iphone1

Digniin culus oo loo diray dadka isticmaala telefoonnada iPhone-ka

Shirkadda Apple ayaa soo saartay hab cusub oo ay ku hagaajinayso cilladaha amniga ee aaladaha iPhone, iPad iyo Mac, kuwaas oo ay sheegtay in laga yaabo in tuugadu si fudud uga faa’iidaysteen.

Mas’uuliyiinta Shirkaddan teknolojiyadda ayaa warka ay soo saareen ku sheegay in software-ka cusub uu samaynayo cusboonaysiinta amniga oo muhiim ah, waxaana lagula talinayaa dhammaan macaamiisha inay ku dhaqaaqaan cusboonaysiinta.

Cilladda ayaa u oggolaan karta tuugada inay si buuxda u xakameeyaan qalabka, khubarada soo saare yaasha ah ayaa soo jeediyay cusboonaysiinta, waxaana loo diyaariyay iPhone 6s iyo ka dib, iPad Pro, iPad Air 2 iyo ka dib iyo iPad gen 5th iyo ka dib. Waxa kale oo diyaar u ah iPad mini 4 iyo noocyada dambe iyo iPod touch (jiilka 7aad).

Isticmaalayaasha Mac ee ku shaqeeya macOS Monterey ayaa sidoo kale lagu dhiirigelinayaa inay cusbooneysiiyaan aaladahooda.

Ilaa hadda ma jiraan warar la xaqiijiyey oo sheegaya kiisas gaar ah oo cilladaha amniga loo adeegsaday dadka ama aaladaha.

Cusbooneysiinta softiweerku waa maalin kasta , laakiin tani waa hal cusbooneysiin oo aan la iska indhatiri Karin, maadaama ay diginin culus la socoto.

Dunida ayaa maanta si sax ah uga walacsan amniga internetka iyo awoodda ay isticmaali karaan burcadda inter-net-ka haddii ay bartilmaameedsadaan qalab u nugul weerarka.

Inta badan isticmaalayaasha ma jirto wax ay ka argagaxaan maadaama aysan jirin wax soo jeedinno ah oo sheegaya in jabsadayaashu ay ka faa’iideysteen daldaloollada amniga si ay u qaadaan weeraro ballaaran oo ka dhan ah dadweynaha.

Sidoo kale waa in la sheegaa in qeyla dhaanta ka soo yeereysa baraha bulshada ee ku saabsan cusboonaysiinta amniga ay suurtagal tahay in laga dhigo xad dhaaf.

Apple ayaa soo saartay cusboonaysiinta amniga deg-degga ah ee la midka ah sanadka oo dhan – oo ay ugu dambeysay bishii Maarso – iyada oo aan wax badan laga argagaxin.

Software-ka ka shaqeysiiya telefoonnada gacanta, kumbiyuutarrada iyo aaladaha kale ee shirkadda Apple ayaa si joogto ah loo cusbooneysiiyaa, taas oo ku xiran arrimo kala duwan.

Mararka qaar waxaa looga hor tagaa halis isticmaaleyaasha uga imaan karta bogagga iyo barnaamijyada mobile-ka qaar – mararkaas waxaa la difaacaa xogta gaarka ah ee macaamiisha (gaar-wax-u-lahaanshaha) iyo badqabka aaladahooda.

Marar kalena waxaa looga jawaabaa xog ku saabsan in isticmaaleyaasha qaar ay ku dhibban yihiin culeys ka qabsada waxyaabaha qaar – mararkaas waxaa lagu xalliyaa dhibaato soo korortay.

Taas oo jirta, haddana waxaa dhowr jeer oo hore lagu dhaliilay shirkadda inay si ulakac ah u curyaamiso aaladeeda gaboobay si ay macaamiishu u iibsadaan kuwo cusub.

Triller

Appka Triller oo ah Appka la tartama Tiktok oo lagu dacweyey $28m oo ayna bixin

Sannadkii hore, Triller wuxuu si guul leh ugu dhawaaqay inuu bixin doono wadar dhan $14 milyan oo caddaan ah iyo sinnaanta hal-abuurayaasha sannadka 2022. Waxay u muuqatay tallaabo caqli-gal ah, oo ka caawinaysa barnaamijka muuqaalada-gaagaaban ee la tartamaya TikTokga. Laakiin The Washington Post ayaa dhawaan soo wariyay in inta badan hal abuurayaashan aan waligood lacag la siin. iyo xiddignimadii loo ballanqaaday, abuurayaasha qaar waxay ku dhamaadeen jahwareer dhaqaale, ayay yiraahdeen.

Dacwad la gudbiyay Talaadadii ayaa ku eedaysay in Triller lacagihii soo daahay iyo lacagiha maqan ay dheereeyeen waqtiga logu talagay in lasiyoo hal abuurayasha. Bishii Maarso 2021, Triller waxa uu helay Verzuz, taxane muusig oo toos ah oo ay abuureen guulaystayaasha Grammy Timbaland iyo Swizz Beatz. Labada fanaan waxay noqdeen saamileyaal shirkadda waxayna u qoondeeyeen qayb ka mid ah tartamayaasha in ka badan 40 fanaan oo ka soo muuqday Verzuz, oo ay ku jiraan John Legend, 2 Chainz, Alicia Keys, T-Pain iyo qaarkale.

Hadda, Timbaland iyo Swizz Beatz waxay sheegeen in Triller ay ku leeyihiin 28 milyan oo doolar oo lacagiha maqan ah.

Marka loo eego dacwadda ay heshay The Washington Post, Triller waxa uu seegay lacag badan oo ay siin jireen labada fanaan bishii Jannaayo, sidaa darteed dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in Triller uu bixiyo $18 milyan marka la gaadho March 20, oo ay ku xigto $1 milyan bishiiba 10ka bilood ee kuxigta. Dacwadlasha ayaa ku andacoonaysa in Triller uusan bixin mid ka mid ah lacagahan. Si kastaba ha ahaatee, Triller, ayaa sheegay in kaliya $10 milyan oo lacag bixin ah ay su’aal ku jirto.

Maaddaama Triller lagu eedeeyay inay ku guul darraysatay inay lacga hooda siido partner creators keeda,

sweatcoin-1

sweatcoin : wax ka ogow appka sweatcoin

Sweatcoin Waa barnaamij App ah oo ku shaqeeya teleefoonnada gacanta ee casriga ah ee loo yaqaan “Smartphones”, waxa aadna si lacag la’aan ah uga soo degsan kartaa suuqyada dhijitaalka ah ee Android, Windows, iyo iOS.

Sanadkii 2016 ayaa markii ugu horraysay la aasaasay barnaamijkan, saldhiggiisuna waa magaalada London ee dalka Britain.

App-kan waxa ay ujeeddadiisu tahay inuu xisaabiyo inta tallaabo ee aad qaaddo marka aad socoto ama ordayso. Mar walba tirada socodkaaga ayaad ku helaysaa lacag abaalmarin ah.

Jimicsiga uu ka mid yahay socodka ee lagu dhimo miisaanka way adag tahay in la joogteeyo, gaar ahaan marka uusan lahayn wax kugu dhiirrigelinaya, balse haddii aad abaalmarin ku helayso waxaa laga yaabaa in uu kuu sahlanaado.

“Ganacsigan gebi ahaantiisba waxaa looga gol leeyahay in qiime loo yeelo dhaqdhaqaaqa,” ayuu yiri Oleg Fomenko, oo ka mid ah aasaaseyaasha Sweatcoin, mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

“Ugu dambayn, sweatcoin waxa uu hayaa waddada uu qiime ugu yeelan lahaa lacagta giniga Britain,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

sweatcoin

Sida iska cad app-ka sweatcoin waxa uu leeyahay labo faa’iido oo qof walba u muuqan karta.

Midda koowaad waa in qofka barnaamijkan isticmaala uu sare u qaadayo caafimaadkiisa, maaddaama uu helayo jimicsi waxtar u leh jirkiisa.

Tan labaadna waa in laga helayo lacag mar walba ku xiran dadaalkaaga inta uu gaarsiisan yahay.

Waa hubaal in labadan arrimood ay sabab u yihiin tirada dadka sii badanaya ee soo degsanaya app-kan oo hadda gaaraysa ilaa 100 milyan, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee sweatcoin.

Sweatcoin kama duwana barmnaamijyada noociisa ah ee kaydiya xogta khaaska ah ee dadka macaamiisha u noqda, inta badanna walaac ayaa laga muujiyaa arrintaas.

Bogga barnaamijkan ayaa si toos ah u caddaynaya in qaybo ka tirsan xogtaada ay qaadanayaan si ay mararka qaar kuula soo xiriiraan shakhsi ahaan ama ujeeddooyin silloon ay u adeegsan karaan.

Waxaa intaas dheer in macluumaadkaaga ku jira bogga aad ku leedahay sweatcoin, sida sawirkaaga iyo magacaaga, uu heli karo qof walba, dibna uu u isticmaali karo.

Shaki kuma jiro in sweatcoin uu yahay app si sax ah u shaqeeya oo aan dadka lagu marinhabaabinayn.

Barnaamijkan marka aad isticmaalayso waxa uu 1,000 tallaabo oo kasta kuu xisaabinayaa 0.95 oo ah lacagta gaarka u ah ee loo yaqaanno sweatcoin.

Marka ay lacagtan kuu gaarto 10 coin iyo wax ka badan ayaad isticmaali kartaa, adigoo ku iibsanaya qalab iyo adeegyo kale.

Ilaa hadda, lacagta sweatcoin ma noqon karto lacag caddaan ah, balse waxa ay ka mid tahay lacagaha dhinaca internet-ka looga adeegto.

Suuqyada online-ka ayaad ka dukaamaysan kartaa adigoo isticmaalaya lacagta sweatcon-ka ee kuugu jirta akoonkaaga.

Meelaha aad uga adeegsan karto waxaa ka mid ah Amazon ama waxaad ku heli kartaa kaararka wax lagu iibsado ee PayPal-ka. Laakiin lacagta kuugu jirta akoonka sweatcoin kuma xawili kartid akoonkaaga bangiga.

linkigan tabo si Aad is Aad ula so degto : https://sweatco.in/hi/zakria_salad